Friday, November 22, 2013

Boobka Dhul iyo Dad.

 Boobka Dhul iyo Dad.

Soomaalida cusub iyo dhismayaasha dawladnimo ama maamul oo aan aasaaska lahayn:

Ilaa burburkii dawladnimo ee Soomaaliya waxaa laga dhaxley qaab cusub oo ku saleysan in la sheegto dhul, ama dad aadan maamulin ama aan raalli ka ahayn maamulka aad sheegeyso.

Waxaynnu ognahay, in Dawladda Puntland ee Soomaaliya ay ku soo socoto doorasho, doorashadaas oo lagu doorto Madaxweynaha Puntland oo ay doortaan 65 Xildhibaan, 17 Xildhibaan oo ka mid ah waxay ka soo jeedaan reerka Dhulbahante la yiraahdo.

Waxaynnu ognahay in reerkani ay yeesheen shirweyne ay ku dhisteen maamul la yiraahdo Khaatumo. Maamulkaas oo ay ku cadeeyeen inuu yahay maamul iyagu ay u dhisteen dantooda iyo aayahoodda, kuna celceliyeen marar badan, iyagoo cadeeyey inayan ka mid ahayn maamulka la yiraahdo Puntland, intooda badanni.

Arrintaasi hadda waxay abuurtey in ay Puntland ka soo baxeen siyaasiyiin ku doodaya waa in sidii horey iyo tiraddii hore iyo qaabkii hore lagu soo doortaa madaxweynaha Puntland.

Arrintaasi waxay ka yaabisey, kuna ridey afkala-tag dad badan oo reer Puntland ah oo leh oo arrintaasi ma tahay macquul, anagoo og go'aanka ay Dhulbahante gaareeyn iyo meesheey ku gaareyn.

Waa arrinta hadda keentey in dadka qaarkiis ay leeyihiin looma baahna in shirweyne Isimadda Harti, Meheri, iyo Daaroodka dagga dhulkaan Puntland ineey isu yimaadaan , ee sidii hore halagu socdo, dhagtanna yaan loo dhigin Dhulbahante iyo qeylo dhaanta Khaatumo.

Meesha ay dadka intoodda badan leeyihiin:

1. War sooma fiicna in la isu yimaado go'aanna laga wada qaato in qaabkii hore uu jiro iyo in kale.

2. In la is weydiiyo rabitaanka Dhulbahante iyo waxay damacsan yihiin.

3. In laga wada xaajoodo intii maamulka Puntland uu dhisnaa maxaa qabsoomey, maxaanse qabsoomin.

4. In Maamulka soo socda go'aan adag looga qaato, loona sii sheego waxa laga filayo.

5. In ayan mar dambe dhicin in la isqab-qabsado, loona jeexo wado la isku og yahay in la maro.

6. In laga balammo, meella la isla dhigo qaabka xisbiyadda iyo sidii ay ku hirgalli lahaayeen.

7. In maamulka soo socda loo sheego in Maxkamadii dastuuriga ahayd la dhiso.

8. In maamulka soo socda loo sii sheego, in la sameeyo Hanti dhowr ilaaliya dhaqaalaha dalka si ayan mar dambe u dhicin kii yimaadaabba inuu u isticmaalo hantida ummadda Makhaayad uu leeyahay.

9. In laga wada hadlo sidii loo wada dhisi lahaa guddigii khilaafaadka ee doorashadda.

Markaan fiiriyey, labadaan qolo waxay iigu muuqdaan in qolanna ay tahay qollo cirka laga soo ridey, haba yaraatee wax naxariis ah iyo rabitanna aan dhulkaan u hayn, rabanna waxay bililiqeystaan, oo isu soo qaawiyey BOOB iyo DHAC aan geed loogu soo gaban. Waanna qoladda hore oo leh inna kiciya oo ina dhaqaajiya aannu wax aannu cunno raadinee.

Qoladda Dambe, waa dadkii dhulkaan u dhashay, kana naxaya ummaddooda rabanna in la gaaro horumar, cadaalad iyo barwaaqo loo siman yahay.

Wax Billaahi Towfiiq.

Ahmed M. Yassin

No comments:

Post a Comment