Thursday, November 28, 2013

Gardarradda ka socota Puntland, yaa loo Maxkameyn doonaa?.

Gardarradda ka socota Puntland, yaa loo maxkameyn doonaa?.

50 Tikniko ah iyo 1000 askari in lagu soo weerarro Taleex, waa garadarro aan loo meel dayin, dadka reer Puntland ee dhaqan-xumadaas daawanaya, kana aamusanna waa kuwo aan aayahoodda u baqeyn.

Waxaan u arkaa inuu yahay FAL fuleynimo, oo aan salka ku hayn Islaamnimo, Soomaalinimo iyo Tolnimo midna.

Waxay dadntu ku jirtaa in si deg deg ah loo joojiyo, caalamka la ogeysiiyo in dadkii falkaas geystey aan meeshaas looga harrin.

Shir baa nin Isim ah iclaamiyey, wuxuu yiri aan isu nimaadno Majeerteeno, oo aan ka xaajoonno arrimaha ka taagan cariga Dhulbahante, oo aan iyaganna kala xaajoono.

Kuwa wax magarad, aan marnaba ka fakarin aayahay ummaddaan tolka oo wadda dagan baa waxay hor-is-taageen in shirkaasi dhaco, ilaa ay u habar wacdeen dawladdo shisheeye ah, si loo baajiyo.

Marka maxay ka fakarayeen?. Maxay ka cararayeen?. Yeeyse u cararayaan?. Miyeeysan inaba darreen lahayn?.

Kuwa gardaraddaan loola tageynna waa in ay sii damiirnimo leh, u hubiyaan in maxakamadda adduunka la gaarsiiyo falkaan aan bini'aadnimadda meella ku lahayn.

Wa Billaahi Towfiiq.
Ahmed M. Yassin

No comments:

Post a Comment