Tuesday, December 17, 2013

Soomaaliya oo dib ugu noqotey Duligii, Kana sii dareysa.



Waxaad moodaa in nidaamkii Federaalka ahaa, oo loogu talagaley in horumar lagu gaarro, inuu soo kordhiyey in gobollo badan oo Soomaaliya ay ka bilaabatey xiisad colaadeed, xiisadaas colaadeed oo isugu jirta kuwa raba ineey dad goboladda la daggan ka suuriyaan iyo kuwa raba ineey gobollo ayan daggin ku qaxaan oo xoog ku qabsadaan.

Xiisaddaha hadda ka aloosan Jowhar, Marka iyo Baladweyn waa kuwa sii kordhinaya kala fogaanshihii iyo colaaddii u dhaxeysey dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Xiisadda ka taagan Marka, oo aad moodid in ay ka xuntahay ama ka dhiig badan tahay kuwa kale, waxaa sababey in Mooryaan la ciidameeyey oo aan laga fiirsan ninka ciiddanka la qorayo nooca uu yahay, iyo inuu yahay qof ku wanaagsan in tuuto qarran loo galiyo iyo in kale, ineey laka safteen dad qabyaalad isku haya. Reerka biyomaal la yiraahdo iyagaa u badan Shabeeladda Hoose, waana arrin aan muran ku jirrin, reerka habargidir la yiraahdanna qoysas baa ka dagga degaankaas qoysaskaas oo muddo dheer dagannaa.

Reerka Biyomaal la yiraahdo xaq u malaha ineey laayaan dadka ka soo jeedda qabiilka kale, yiraahdaanna ma daganaan karaan dhulkaan, sida Habargidirna ayan xaq ugu lahayn ineey isku habar-wacdaan oo u soo guuraan dhulkaan si ayan ahayn dad leh ay ku noolaadaan.

Jowhar ama Shabeeladda Dhexe waa deggaan Jareerweyn, waxay iyagunna xaq u leeyihiin in tixgallin lagu siiyo deggaankaas, si u dhigantanna qabaa'ilka kale ayaguna xaq u leeyihiin qoysaska deggan ineey hellaan nabad ineey ugu noolaadaan dhulkaas.

Hiiraanna waa la mid oo waa in lagu wada noolaadda Nabad. Tan Xigta sida aynnu ognahay, dhulka Ilaaheey kuwa ayuu ka dhigay Barwaaqo, Biyo badan iyo Beerahanna ku fiican, Kuwa ayaa aan geed ku oollin ah.

Waxaynu ognahay kuwa qallallan oo aan Roob ku di'in, in Ilaaheey siiyey Barwaaqo ka karaama badan Roobkii iyo dhirtii, addunkuna uu u shaqo tagey, Waxaynnu oganahay kuwa dhulkooddii Beeruhu ku fiican yihiin, in sannad walba adduunku u uruuriyo qaaraan iyo raashin la siiyo.

Arrinta iyadduna naxdinta leh, waxaa weeyaan arrin ka soo korordhey Waqooyiga Soomaaliya, ama Somaliland, arrintaas oo ah in tacaddi, Kufsi, iyo Dil loo geysto gabdhaha ka soo jeedda Gabooyaha, arrintaan oo wax laga naxo in qabiil Soomaaliyeed uu qabiil kale xalaalsado dilkooda iyo Kufsigoodda.

Arrintaan dulinamadda ah ee hadda noqotey wax aan laga yaqyaqsoon, waa mid iyaduna ka jirta meelo badan oo Soomaaliya ka mid, gaar ahaan Muqdisho, oo iyaddu gaartey in gabdhihii la kufsadey Xabsiga la dhigo. Oo dawladdii difaaci lahayd ay iyaddu ku noqoto tii ku mudaceysey dhibanayaashii iyo in la xiro wiilashii wareystey.

Dilka Soomaaliya ilaa iyo intii 20 sano ka badan wuxuu ahaa, mid la caadeystey, waxaa hadda soo kordhey in kii la rabey inuu sharciga ilaaliyo, oo ahaa Madaxweynihii dalka uu isaganna hadda farta loogu fiiqayo, inuu dillo kii shallay doortey oo codkiisa uu ku noqdey Madaxweynaha.

Waxaan ammaan helleyn Xildhibaankii, Askarigii, Xaakimkii, Gabdhihii iyo Wiilashii oo dhammaan loo laynayo, fikira aan qabo mid ka duwan buu qabaa.

Waxaa intaas ka darran oo dhammaan isku fuuqsadey, waxaas dhib ah, in ummaddii Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay noqdeen kuwa dulmiga geeysanaya iyo kuwa daawannaya sidii ineey film fiirsanayaan oo kale, oo ayan muuqan wax kla damqanaya dhibkaas, iyagoo u kala jabey, Maxaa iga galley, Haddaan ka hadlo hebel baa ka xumaanaya, reerka dhibka uu ku dhacayo waa kii dhibka aniga shallay ii geystey ee BAGAH.

Waxaan soo sheegay oo dhan, Natiijadeeddu waxay noqoneysaa in Soomaaliya ay ku jirto gacan shisheeye, dawladnimanna ayan u soo dhaweyn.

Wa Billaahi Towfiiq.
Axmad M. Yaasiin.

No comments:

Post a Comment