Sunday, December 8, 2013

Xamar iyo Masiibooyinka..............

Xamar iyo Masiibooyinka aan dhamaadka lahayn:

Ilaa iyo 1991koodii waxaa magaaladda Xamar ka dhacayey falal iyo Masiibooyin aad u foolxun oo Soomaali oo dhan saameeyey. Xamar waxay noqotey meel aan marnaba Dilka, Dhaca, Kufsiga, Boobka iyo Xasuuqa bini'aadamka aan lagala xishoon ama aan laga baqin in lagu sameeyo.

Waxaa marka aan ahayn been abuur ineey noqotey meel la rogey, oo Illaah u caroodey. Waxaan hubaa in nala la farey in dhulka Ilaah u carrodo laga fogaado, oo xitaa haddey dani kugu qasabto inaad martid, inaad ku martid orod iyo adoo cararaya.

Umaleyn maayo hadalkaan caawa qorayo, oo ii ah waqti dambe in qof Soomaalinimo sheeganaya, oo aan ahayn kuwii fafalkaa foosha-xun geeystey uu jirro oo hadalkeyga beeninaya ama beenin kara.

Sababtaas baa waxaa Soomaali ku waajibtey ineey Xamar ka cararraan oo ka guuraan, sida ugu dhaqso badan, ma noqon karto qof bini'aadam ah iska daa muslimnimo ku darsadey inuu hooy ka dhigan karo meeshaas.

Haddii aan intaas la garanna, Soomaali waxaa ku waajibey dhib iyo Silic aan dhamaad lahayn.

Wa Billaahi Towfiiq.

Ahmed M. Yassin

No comments:

Post a Comment